Breaking News Somali News

DHAGEYSO: Puntland iyo Maamulka DDSI oo Go’doomiyay Galmudug

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur ayaa waxaa uu ka hadlay deeaagno ay go’doomiyeen Maamulada Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Masuulkan waxaa uu sheegay in aysan garaneyn xiligan waxa ku soo beegay in Maamuladaas ay go’doomiyaan deegaano dhaca dhanka xaduudka labada Maamul ay la wadaagto Galmudug isagoona intaa raaciyay in deegaanadaas ay abaar baahsan ka jirto.

Dhinaca kale Wasiirku Xigeenka ayaa Guddiga Heer Qaran ee Gurmada Abaarta ku Dhaliilay

inaysan bixin Dhaqaalihii lagu taligay Deegaanada Maamulka Galmudug oo Wajahaya Xalaada aad u adag.

Isago xaqiijiyay in taasi ay dhabar Jab ku tahay in la badbaadiyo dadka Abaartu ay Xoolohoodi galaafatay oo Xiligaan dhimashadoodu ay bilaabatay iyaguna.

 

Related posts

Qarax Miino oo Ciidamada Lagula eegtay nta u dhaxeysa Degaanka Yurkud Iyo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

admin

War Cusub: Cumar C/Rashiid Muxuu ka Yiri Weerarkii Qaraxyada ahaa ee Galkacyo ka dhacay????

Tifaftiraha K24

XOG: Xiliga Rasmiga ah ee la dooranaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo la helay iyo Sharuudo Culus oo lagu xiray Musharixiinta u tartameysa Kursiga Madaxweynaha Soomaliya

Tifaftiraha K24