Dhageyso: Odayaasha Galmudug ee Cadaado oo ku xirey shuruud Kulanka Xasan cali Kheyre iyo Dowladiisa.

0

Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa weli ku adkeysanaya inaysan la kulmi doonin Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ilaa iyo inta uu ka fulinayo tabashada ay qabaan.

Shalay markii uu tegay Magalada Cadaado ayaa Odayaasha ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u gudbo Magalada Gaalkacyo.