Animation

Dhageyso: Muxuu qaban doona madaxweyne farmaajo 100-ka maalmood ee ugu horeysay shaqadiisa??

no responses
Friday February 10, 2017 - 11:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan wax qabadkiisa iyo howlaha kale ee horyaala dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shacabka uga mahad celiyay taageerada balaaran oo ay u muujiyeen isagoona ka codsaday in ay joojiyaan banaanbaxyada maadama uu dhamaaday ol’olahii doorashada.

Sidoo kale ciidanka dowlada ayuu ku amaanay sida ay shacabka ugala qeyb qaateen dibad baxyada ay dadku ku muujinayeen rabitaanka madaxweynaha cusub.

1- Ugu horeyn madaxweyne farmaajo waxaa uu sheegay in uu soo magacabi doono ra’isul wasaaraha soomaliya isagan uu soo dhisi doono golahiisa wasiirada oo ka qeyb gali doona is bedelka dalka uu la hiigsanaayo afarta sano ee soo socota.

2- in Cadaaladda uu helo qofkastoo soomali ah xaqna uu u yeesho in dalkiisa uu wax ka helo.-

3- in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay ee ku nool gobolada dalka soomaliya .

Halkaan ka dhageyso codka madaxweyne farmaajo