Animation

Dhageyso: Muxuu ku saabsanyahay mooshin xildhibaanada baarlamaanka ay ka keeneen….

no responses
Monday June 12, 2017 - 3:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada jowhar ayaa waxa ay mooshin ka keenay guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Mooshinka ayaa yimid ka gadala markii guddoonka baarlamaanka uu si deg deg ah usoo afjaray kulan xasaasi ah oo xildhibaanada baarlamaanka ay maanta yeesheen kaasi oo arimo xasaasi ah ay uga hadlayeen.

Xildhibaanada oo ka careysan sida guddoonka uu kalfadhiga usoo afjaray ayaa waxa ay bilaabeen in ay mooshin ka qoraan guddoomiyaha baarlamaanka hirshabeelle waxaana ay u gudbiyeen guddoonka sare ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha waxaa mooshin ka geeyay illaa 47 xildhibaan oo 39 ka mid ah ay qalinka ku duugeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa qabtay mooshinka ay Xildhibaanada ku dalbanayeen in shaqo joojin lagu sameeyo Guddoomiyaha,

Xildhibaan Maxamed Qaasim Daqare ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Bey’adda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in mooshin laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka hirshabeele.

Xildhibaan qaasim wuxuu intaa ku daray in uu baaqday kulan maanta golaha wasiirada hirshabeelle ay ku yeelan lahaayeen dagmada balcda dibna uu u dhacay ilaa qamiista.

Halkaan ka dhageyso codka

Facebook Comments