Animation

Dhageyso: Muuse Suudi Yalaxow oo Runta u sheegay Musharax Faroole” Anaga Musharax kale ayaan dooraneynaa adigana waxaa ku….

no responses
Thursday January 26, 2017 - 11:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ka hadlay Shaqsiga ay tahay in loo doorto Madaxweynaha Dalka Soomaliya Afarta Sano ee soo socota.

Muuse Suudi Yalaxow oo ka qeyb galay Munaasabad Casho sharaf aheyd oo Xalay Maamulka Gobolka Banaadir ii  Sameeyay Musharax Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in Musharax Faroole ay doonayan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka soomaliya.

Xaaji Muuse oo Hadalkiisa u badnaay mid Kaftan ah ayaa waxa uu dhahay” “Madaxweyne Qof unbaa noo noqon doono, Qofba Qof ayuu u rabaa, adiga oo Faroole ah dad ayaa kuu raba, anagana mid kale ayaan u rabnaa.”

Hadalka Muuse Suudi ayaa u muuqday Mid dhabar jab xoogan ku ah Ol’olaha Musharax Faroole oo ku aadan in uu Madaxweyne Noqdo Maadama Xubin Aqalka sare kamid aha y u sheegtay in Xildhibaanada aysan isaga Rabin oo Musharax kale ay dooran doonan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Muuse Suudi Yalaxow