Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dhageyso: Musharixiin Badan oo laga yaabo in Waqtiga Diiwaan galinta ay ka dhamaato sida uu sheegay Xildhibaan….

Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha ayaa shaaciyay in Maanta ay ku egtahay Waqtiga Diiwaan galinta Musharixiinta dooneysa in ay u tartamaan kursiga Madaxweynaha Soomaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta la soo gaba gabeynayo islamarkaana Musharaxiinta dhiman looga baahan yahay in ay soo buuxiyaan shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta.

Xildhibaan Bayle wuxuu xusay in Musharixiinta dhiman ay waqtigooda ka faaiideeystaan si ay isku diiwaan galiyaan isagoona shaaciyay in Maanta markii la gaaro 5 Galabnimo ay soo xeri doonan Diiwaangalintii Musharaxiinta Madaxweynaha.

Musharixiinta ilaa iyo hada Isdiiwaan galisay waa 15 Musharax waxaana Musharixiintaasi ku jira Madaxweyne Xasan oo shalay Isdiiwaan galiyay.

Dhageyso Codka Xildhibaan Ducaale Bayle

Related posts

XOG: Taliyaha Ciidamadda xooga dalka ee Gobalka Gedo oo sir badan kashifey!!

admin

Degdeg: Shirkii Madasha ee Kismaayo ka socday oo is afgarad Kusoo dhamaaday 4.5 Iyo Deegaan Isku lamaanan oo lagu heshiiyey.

admin

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta xilka la Wareegay

Ahmed sudani