Dhageyso: Musharax Lafta Gareen oo Digniin Culus u diray Xildhibaanada Federaalka ee Qeylo dhaanta shaqada ka dhigtay

0

Musharaxa madaxweynaha koonfur Galbeed C/casiis Lafta gareen ayaa fariin culus u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee doonaya in ay buuq siyaasaddeed ku furaan doorashada madaxweynenimada ee koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada koonfur galbeed ay dooranayaan madaxweynaha balse xildhibaanada federaalka aysan shaqo ku laheyn waxa konfur galbeed ka dhacaya isagoo ugu baaqay in buuqa iyo fowdada ay xamar ka wadaan in aysan usoo rarin Baydhabo.

“Hadii doorasho la gelayo kuwa wax dooranayo ma ahan xildhibaanada federaalka ee waa kula koonfur Galbeed,shaqadooda federaalka uga taalo ha qabsadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka,laakin dagaalkii & buuqii ay Xamar ku hayeen yaysan usoo rarin Baydhabo”

Halkaan ka dhageyso Codka Musharax Lafta Gareen