Animation

Dhageyso: Mid kamid ah Nabad-doona Caabud-waaq oo Afka Furtay Banaankana soo dhigay Cida Masuulka ka ah Dagaalka kusoo Laab laabtay Magaalada…

4 responses
Wednesday November 16, 2016 - 5:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa Waxa ay ka soo Baxyaan dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo Maanta ka dhacay Magaalada Caabdu-waaq ee Gobolka Galgaduud.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay Dad intaasi ka badana wey ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Dadka ku dhintay Dagaalka ayaa la sheegay in badankood ay ahaayeen Maleeshiyadii Dirirtu ay dhexmartay.

Odayaasha dhaqanka Caabdu-waaq ayaa sheegay inaanay jirin maamul xalliya murannada u dhexeeya beelaha ee dagaalka dhalinaya.

Nabaddoon Yuusuf Shire Cilmi oo ka mid ah waxgaradka degmada Caabudwaaq ayaa VOA u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo labada beel u dhaxeeya.

Nabad-doonka ayaa Ugu Baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay Colaada Joojiyaan oo Nabad ay ku wada Noolaadaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Nabad-doon Yuusuf Shire Cilmi