Animation

Dhageyso: Mid ka mid ah Saraakiisha Puntland oo si layaab leh uga hadlay dadkii Daacish ay gowracday isagoona….

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 6:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Saddex dhallinyaro ah oo ka mid ahaa 5 qof oo mudo 6 casho ka hor ay gaari kala degeen ururka Daacish garbkiisa uu hogaamiyo C/qaadir Muumin oo ku sugan buuralayda degmada Qandala ayaa gelinkii danbe ee xalay waxaa madaxyadooda la soo dhigay tuulada Karin oo 53 km u jirta degmada Qandala.

Dhinaca kale waxaana weli la la’yahay laba nin oo da’ ahaan la sheegay in ay rag waa weyn ahaayeen oo ka mid ahaa dadka la afduubtay.

Abaanduulaha ciidamada Daraawiishta Puntland Jen. Siciid Maxamed Salaad (Gorayacowl) oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in 5-tii nin ee Daacishta ay afduubatay ay qoorta ka jartay seddex kamid ah waxaana hada nolosha lagu la’yahay 2 ruux oo da’ ahaanay weenyihiin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Abaanduulaha