Animation

Dhageyso: Meydka wiil dhalinyaro ah oo badda ay soo tuftay ayaa saakay laga helay xeebaha dagmada….

no responses
Sunday August 6, 2017 - 11:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saakay waxaa laga helay xeebaha dagmada kaaraan ee gobolka banaadir.

Wiilkaan oo da’diisa lagu qayaasay labaatan jir ayaa waxaa soo tuftay badda kadib markii ay badda horay u qaaday kadibna ay kusoo ceerisay meel u dhaw xeebta dagmada kaaraan gaar ahaan kawaan bari.

Taliye Kuxigeenka Saldhigga Degmada Kaaraan Xuseen Badmaceeye ayaa Warbaahinta u sheegay   in wiilka meydka ah da’ ahaan lagu qiyaasay 20-sano jir islamarkaana baddu ay kasoo tuftay nawaaxiga Kawaan Bari ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in meydka wiilkaan aan si fiican loo aqoonsan karin maadama oogada jirkiisa uu is bedelay markii badda uu mudo ku jiray biyahana ay jirkiisa badeleen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xeebaha muqdisho ay soo tufaan meydad aan la aqoonsan oo dhalinyaro u badan.

Halkaan ka dhageyso codka