Animation

Dhageyso: Maxay Tahay Sababta Maanta Cadaado loogu dilay Mid kamid ah Ergada Beesha Murasade????

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 4:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxay Dil Maanta Cadaado loogu geestay Mid kamid ah Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdullahi Caraale wuxuuna kamid yahay Ergada Beesha Murasade ee Dooraneysa Xildhibaanada Cusub.

Waxaa la sheegay in C/llahi uu Xubin ka ahaa Ergada Beeshiisa oo uu Horkacaayay Nabad-doonka Beesha waxaana la sheegay in Maalmahanba uu jiray Is qab qabsi iyo in Ergada qaar si gaar ah loosoo xushay.

Askari kamid ah Ciidamada Maamulada Galmudug ayaa Rasaas ku furay Ninkaan Dhintay ee kamid ah Ergada dooraneysa Xildhibaanada Cusub .

Hadaba sida uu dilka u dhacay iyo Sababta Ninkaan loo dilay Waxaa VOA uga waramay wasiirkii hore ee warfaafinta ee dowladda Somalia Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo ka mid ahaa murashixiinta u tartameysay Aqalka Hoose..

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga oo aad Xasaasi u ah