Animation

DHAGEYSO: Maxamuud Sayid “Beesha SADE, waa goáansatay ka qeybgalka Jubbaland

no responses
Wednesday November 4, 2015 - 2:13 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Siyaasiga weyn ee Maxamuud Sayid Aden, oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in 7 bishan uu shir weyne u dhexeeya beesha SADE iyo maamulka Jubbaland  uu ka furmi doono Kismaay, kaasi oo lagu doonayo xal u helida khilaafka la haray dhismaha Jubbaland.

Maxamuud Sayid ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo barkii sideedaad ee sanadkan oo ah markii ay hishiis isaga iyo Awlibaax kula gaareen Doolow maamulka Jubbaland ay bilaabeen dhameystirka khilaafka ka dhexeeya Ahmed Madoobe iyo Beesha SADE, kaasi oo ay u tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

“Maalintii aan hishiiska la gaarnay maamulka Jubbaland ilaa hadda waxaan wadnay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka SADE iyo Jubbaland, islamarkaana looga qeybgeli lahaa dhismaha cusub ee Jubbaland-ta hadda loo doortay Ahmed Madoobe”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden.

Waxaa uu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey cida gogoshan dhigtay iyo halka dhaqaalaha ku  baxa laga bixinayo ayuu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe gogoshaasi dhigay, iyaddoo uu doonayo buu yiri qancinta beesha sade ee wax tabaneysa.

Mar wax laga weydiiyey inay shirka Kismaayo kasoo qeybgalayaan Gen, Ali Madoobe, Xildhibaan Magan iyo Guddoomiye Maxamed Abdi Kaliil, ayuu waxaa uu sheegay inuu rajeynayo kasoo qeybgalkooda, isagoona sheegay in dartood uu shirkan soo daahay.

“Gen, Ali Madoobe, Xildhibaan Magan iyo Kaliil, iyo dhamaan dadka reer SADE waan ku rajo weynahay inay kasoo qeybgalaan shirka Kismaayo ee 07-11-2015 furmaya, aniga oo huba in halkaasi kasoo baxaan guulo horey uwada dhismaha Jubbaland”ayuu yiri siyaasiga weyn ee Maxamuud Sayid Aden.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay in shirka Kismaayo ka furmi doona ay soo dhaweeyeen shacabka deggan saddexda gobol ee Jubbaland, gaar ahaan buu yiri Gedo oo wax badan tabaneysay.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA MAXAMUUD SAYID AADAN-K24

Warbaahinta Kismaayo24.com oo ah mid u taagan wargelintaada ayaa kula socodsiin doonta wixii kusoo kordha shirkaasi sida weyn loo sugayo.

logokis2

 

Facebook Comments