Dhageyso: Maxamad Xaashi Carabeey oo uga digay madaxda maamul goboleedyada in ay la saftaan Xaaf

0

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo hoggaaminaya garabka Galmudug ee ku sugan Cadaado ayaa uga digay Madaxda maamul goboleedyada inay xilligan la saftaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Carabeey Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada qaarkood uu kala hadlay arrinta khialafka Madaxda Galmudug,waxa uuna ka codsaday in khilaafkaas ay dhex dhexaad ka noqdaan ama ay taageeraan madaxda Shacabka Galmudug.

“Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Halkaan ka dhageyso codka