Animation

Dhageyso: Maxaadan Ogeyn oo Safaaradda Soomaliya ee Dalka Mareykanka ay ka tiri go’aankii uu dhawaan gaaray Trump???

no responses
Thursday February 2, 2017 - 8:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kadib markii todobaadkii hore dowlada Mareykanka ay xayiraad kusoo rogtey inay dalkan soo galaan muwaadiniinta todobo dal oo dadkooda Muslim ay yihiin oo ay Somalia ku jirto, ayaa safiirka Somalia ee Mareykanka Axmed Ciise Cawad waxuu sheegay in ay hore usii ogeyd dowlada Somalia, tilaabada madaxweyne Donald Trump.

Safiirka soomaliya u fadhiya dalka mareykanka axmad cawad ciise oo la hadlay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in kan safaarad ahaan ay la socdeen qorshaha uu trump ka damacsanyahay soo galootiga mareykanka .

Safiir Cawad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trupm ay u gudbiyeen Warqad Cabasho ah oo ku aadan in Xayiraadda laga qaado Dadka Soomaaliyeed,maadaama Dadka Soomaalida ah ay yihiin kuwo Mareykanka wax badan ku soo kordhiyay.

Dhawaan ayey aheyd Markii Madaxweynaha mareykanka uu soo saaray amar dalkaasi looga mamnuucaayo muwaadiniinta ka soo safraya 7 dal oo muslimiin u badan oo soomaliya ay ku jirto waxaana go’aankaasi aad uga xumaaday guud ahaan wadamada caalamka Inkastoo Boqortooyada Sacuudiga ay taageero u muujisay go’aana dalka mareykanka looga mamnuucaayo dadka muslimiinta ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga