Animation

Dhageyso: Maxaadan Ogeyn oo Saakay Laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo Ciidankii Dagaalamay Halkee kala Joogaan

no responses
Friday October 14, 2016 - 8:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu saakay ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada ay saakay tahay mid dagan ka gadaal markii shalay uu ka dhacay Dagaal Culus oo Madaafiic la isku adeegsaday.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa isku hor fadhiya Goobihii lagu dagaalamay,iyadoo aysan jirin Wax Ganacsi ah oo Maalmahaan ka jiray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Gudaha Magaalada  Gaalkacyo Ayaa Xalay iyo Maanta lagu Arkayaa Ciidan iyo Gawaari Tiro Badan oo labada Dhinac Ah Waxana Ciidamada Qaar Ay Gudaha u Galeen Dhanka Suuqyada Gaalkacyo,

Dhinaca kale hadii aynu eegno Qasaarihii ka dhashay Dagaalkii shalay dhacay inta la xaqiijiyay Ilaa 10 Ruux ayaa ku geeriyootay oo Intooda badan ay Dad Rayid yihiin waxaana Dadka geeriyooday Badankood ku dhacay Madaafiic Haboob ah oo Goobaha ay ku suganyihiin ugu tagay.

Dhaawacyo badan baa jira oo la dhigay Cisbitaalada Koonfurta iyo wuqooyka ku kala yaal.

Dadka rayidka ah ee ku nool Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Bilaabay in ay Magaalada ka Qaxaan,waxaana laga Barakacay Xaafado hor leh.

Galmudug Waxay Sheegtay in Daacish iyo puntland oo is Garabsanaya ay Gaalkacyo kula Dagaalameen Halka Puntland Ay Sheegtay in Shabaab iyo Galmudug iyo Dowlada oo is Garabsanaya Ay kula Dagaalameen Magaalada Gaalkacyo Taasi oo Xaalada ka Dhigeysa Jug Jug Meeshaada Joog.

Waxaa jirta Dadaalo ay wadaan Waxgaradka Labada Maamul Inkastoo ay xusid mudantahay in Horay uu u bur buray Heshiis Xabad joojin ah oo labada dhinac ay isku afgarteen ha yeeshee Puntland ayaa lagu eedeeyay in ay Jabisay Heshiiskaas oo dhismo aysan Labada Maamul ku heshiinin ka bilowday qeybo kamid ah Magaalada Galkacyo.

Beesha Caalamka waxa ay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Galkacyo ee Maatida lagu Leynaayo .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Galkacyo