Animation

DHAGEYSO: Maxaadan Ogeyn oo Naxdinteeda Leh oo laga soo Sheegaya Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo????

no responses
Sunday September 18, 2016 - 4:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Diyaaradaha Dagaalka Wadanka Kenya ayaa Xalay ilaa Maanta waxa ay Duqeyn ka wadeen Deegaano hoos yimaada Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday Deegaan lagu Magacaabo Dhamase oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Duqeynta ay ku dhinteen Ug yaraan 5 Ruux oo Rayid ah Halka ay ku Dhaawacmeen8 Kale oo Shacab ah oo dadka xoolo dhaqatada ahaa.

Sidoo Kale Diyaaradaha Dagaalka kenya ayaa Bartilmaamedsaday Ceel Biyood deegaankamku yiilay oo Dadka iyo Xoolaha ay Biyaha ka Cabi jireen iyagoona Gubay Matoorkii Ceelka .

Duqeynta ayaa Imaaneysa Iyadoo Alshabaab ay Maalin un ka hor ay dagaal kula wareegtay Dagmada Ceel-waaq ee Gobolak Gedo Balse ma ahan Markii ugu Horeysay oo Diyaaradaha Kenya ay Xasuuq u geesteen Dad Rayid ah oo aan waxba Galabsan

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka