Animation

Dhageyso: Maxaadan ogeyn oo Maamulka Bangiga dhexe ee soomaliya uu ka dhawaajiyay??

no responses
Sunday February 12, 2017 - 7:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dhaqaalayahannada Soomaalida ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Cusub ay saameyn ku yeelatay inuu xoogaa xoogoobo shilinka Soomaaliga marka lagu sarrifayo lacadaha qalaad qaarkood sida doollarka Maraykanka.

Shilin Soomaaliga ayaa labadii maalmood ee u dambaysay lagu sarrifayey 16kun oo shilin Soomaali ah halkii dollar, halka uu horey uga ahaa ilaa 22 kun oo shilin soomali ah halkaii doolar.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya  Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in dhawaan ay dowlada qorsheyneyso in ay soo daabacdo lacago cusub oo shilinka soomaliga ah si baahiyaha jiro looga gudbo.

Guddoomiyaha waxa uu u sababeeyay qiima korodhka maalmahan ku yimid lacagta shilinka soomaliga in nay tahay lacago dollar ah oo magaalada aad usoo galay.

Halkaan ka dhageyso codka