Animation

Dhageyso: Maxaadan ogeyn oo laga soo sheegaya dagmada afgooye iyo deegaanada hoostaga?

no responses
Friday February 3, 2017 - 12:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa xalay waxa ay weerar culus ku qaadeen deegaanka muuri oo hostaga dagmada afgooye ee gobolka shabeelada hoose.

Alshabaab ayaa dhowr jiho ka soo weeraray alshabaab deegaanka waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada dowlada federaalka soomalia.

Xoogaga alshabaab ayaa la sheegay in dagaal ay kula wareegeen magaalada kadib markii ciidamadii dowlada ee ku sugneyd magaalada .

Ciidamada dowlada ayaa u ruqaansaday dagmada afgooye kadib markii sida la sheegay ay ku jabeen dagaalkii alshabaab ay la galeen.

Saraakiisha Dowlada waxa ay beeniyeen in magaalada ay soo galeen alshabaab ayna la wareegeen taasi badalkeed waxa ay xaqiijiyeen in dagaal uu dhacay oo shabaabku ay rasaas soo rideen.

Sarkaal lagu magacaabo maxamad ciise maxamad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xoogaga alshabaab ay rasaas kasoo rideen magaalada banaankeeda kadibna ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada dowlada sida uu sargaalka sheegtay.

Halkaan ka dhageyso Codka sargaalka ciidamada dowlada ka tirsan