Animation

DHAGEYSO: Maxaad kala Socotaa Xaalada Gobolka Gedo oo Deegaano ka tirsan Laga soo sheegayo in ay ka jiraan…..

no responses
Saturday September 24, 2016 - 9:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ayadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO ay todobaadkan shaacisay in inkabadan 5 milyan oo Soomaali ah ay cunno yari wajahayaan, ayaa maamulka Jubaland waxa uu sheegay in deegaanno u badan gobolka Gedo ay ka jirto abaar iyo biyo yari.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo Wareysi Siiyay Laanta Afka Soomaliga ee BBC ayaa waxa uu sheegay in Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay ka jiraan Xaaldo Abaaro ah oo aad u daran.

Wasiir ku Xigeenka ayaa qeylo dhaan u diray beesha Caalamka iyo Q.M in la Caawiyo Dadka iyo Duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka Gedo oo Abaaro Ba’an ay ku dhufteen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiir ku Xigeenka