Dhageyso: Maxaa kajira in Ciidamo uuleeyahey Boqor Buurmadow ugoosteen dhan Puntland.

0

Tan iyo markii uu Boqor Cismaan Buurmadaw dhowaan sheegay in Beelaha dega Bariga iyo Galbeedka Burco ay shir Wadatashi ah yeelaan doonaan waxaa soo baxaya inay Arintaasi Xukuumadda Somaliland siwayn uga Biyo diiday.

Gudoomiyaha Gobolka sanaag ugu magacaaban Somaliland ayaa sheegay in Ciidamo uu lahaa Boqor Buur-madow oo ku sugnaa sanaag ay Dhinaca Puntland u goosteen.” Ciidan Buurmadaw leeyahay ayaa u tallaabay Puntland”.

Sida uu Telefishinka Bulsho u Xaqiijiyey Boqor Cismaan Buur-madow wuxuu sheegay inaysan Jirin Ciidamo uu leeyahay kuwaasi oo aaday dhinaca Puntland, wuxuuse Xusay inay deegaanada ku sugan yihiin Ciidamo beeleed kala duwan.