Animation

Dhageyso: Maxaa ka soo baxay Kulan xasaasi ah oo Garoowe ku Dhexmaray Danjire Keating iyo Madaxweyne Gaas??+Sawirro

no responses
Thursday October 6, 2016 - 2:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr; Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabbilay ,wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire;Michael Keating.

Ujeeddada Socdaalka wafdiga QM,  ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda geeddi socodka doorashooyinka dadban ee Dalka Soomaaliya ka qabsoomi doona, kuwaas oo uu diyaar garowgoodu ka soconayo guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Kadib markii uu soo dhammaaday kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayey Ambassador Keating, ayay si wada jir ah u qabteen  shir jaraa’id oo ay kula hadlayeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta , iyagoo uga warbixiyey ujeeddada kulankooda iyo waxyaabihi ay uga wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalka wafdigani uu salka ku hayey in ay Beesha caalamku si dhow ula socoto halka ay marayaan arrimaha la xiriira hirgelinta doorashooyinka iyo in ay Puntland usoo gudbiyaan aragtida Beesha Caalamka ee la xiriirta qabsoomidda doorashooyinka dadban.

Mudane; Gaas , ayaa sidoo kale sheegay inay Danjiraha ka wada hadleen arrimaha la xiriira dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga yar ee dhimman, loogana fogaan lahaa in mar kale iney doorashooyinka ku yimaaddaan dib u dhac.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay, in ay Puntland mar walba diyaar u tahay in si dhab ah loo fuliyo dhammaan qodobbadii ay madashu ku heshiisey ee loogu gogol xaarayey in doorashadu ay si habsami leh uga qabsoonto xarumaha Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira.

Ambassador Michael Keating, ayaa Maamulka Puntland ku bogaadiyey dedaalkeeda ay ugu jirto, sidii ay Dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin, isagoo hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in qoondada Haweenka la caddeeyo sidii loogu heshiiyeyna loo fuliyo.

Halkaan hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

gaas1 gaas2 gaas3 gaas6 gaas7 gaas8 gaas9 gaas10 gaas12 gaas5 gaas11