Somali News

Dhageyso: Magaalada Muqdisho oo Xalay ilaa Maanta aan laga shaqeysan Maxay Tahay Sababta?

Magaalada Muqdisho waxaa Xalay ilaa Maanta ka da’aaya Roobab Mahiigaan ah iyadoona Roobabka ay Saameyn ku yeesheen siku socodka Dadka iyo Gaadiidka.

Roobka ayaa Biyo dhigay Wadooyinka Muqdisho waxaana dadka ay ku lugeynaya Xaafadaha Magaalada Maadama aysan jirin gadiidka dadka oo isticmaalaya wadooyinka oo biyaha ay fadhiyaan.

Sidoo kale Roobka ayaa waxa uu saameyn ku yeshay Ganacsiga suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn dalka Soomaliya waxaana jirta in suuqa saakay aysan soo aadin ganacsatada suuqa maadama Roobkii xalay bilowday ilaa hada uu socdo.

Waxbarashada ayuu sidoo kale saameyn ku yeeshay Roobka Ardada Jaamacadaha iyo Iskuulada ayaan saakay u dareerin Goobahooda waxbarashada.

Waxaa jirta Qoysaska Barakacayasha ee Ku Nool Magaalada Muqdisho in Roobka uu Saameyn Balaaran ku yeeshay Maadama ay daganyihiin Guryo Cooshado ka sameysan.

Halkaaka Hoose ka Dhageyso Codadka

Related posts

Beel Cabasho ka Muujisay Saamigigii ay ku Leheed Aqalka Sare ee Jubaland

admin

SAWIRO: R/W Khayre Oo Dhiirri Gelin Ugu Tegay Ciidan dagaal loo diyaariyay

admin

War Cusub: UK oo ku dhawaaqday war ay dowladda soomalia ku faraxday kuna saabsan dhismaha ciidanka xooga dalka soomalia

Tifaftiraha K24