Animation

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh:- Waa in la dhisaa wadada lagu muransan yahay marnaba lama hakin karo.

no responses
Wednesday December 2, 2015 - 12:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in la dhiso wadada lagu muransan yahay ee ay ka bilaabatay colaada magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay wadadaas inay tahay mid muhiim ah oo horumarka qeyb weyn ka ah islamarkaana wuxuu tilmaamay inaysan sax ahayn in lagu kala duwanaado waxyaabaha wanaaga keenaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale iska fogeeyay inay xukuumadiisu wax lug ah ku leedahay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo, isagoona ka digay in la siyaasadeeyo colaada labada dhinac.