Dhageyso: Madaxweyne Xaaf “Dib U Heshiisiinta Galmudug Ee La Sameeyay Hore looma areg.

0

 

Madaxweynaha waqtiggisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka qeyb galay Xaflada soo xiritaanka shirka dib u hishiisiinta Galmudug,isagoo halkaas ka jeediyay Khubad.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in sanadkii 2015 xiligii la dhisayay Galmudug waqti badan uu qaatay sidii la isugu keeni lahaa Ahlusunna,Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug,hayeeshee markii dib la isku keenay,isagoona xusay  inay ay iska  jireen Caqabado yar yar.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in dib u hehsiisiin markii la sameeyo loo baahan yahay in lagu dhaqmo,hadii qalab uu yimaado laga tago si aysan meesha uga bixin dib u heshiisiinta.

 saga oo sii hadlaayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu Dowlada federaalka ah uga mahadceliyay howsha ay qabteen isagaoo ku baaqay in aan dib u hishiisiinta halkan lagu ekeen oo loo baahanyahay in la sii wado.