Animation

Dhageyso: Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeele oo Baaq Culus u dray Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland

no responses
Monday October 24, 2016 - 6:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle State Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ( Cali Guudlaawe ) oo maanta Xafiiskiisa Shir jaraa’id ku qabtay ayaa ku baaqay in la joojiyo si shuruud la’aan ah Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo. Wuxuu ugu baaqay Walaalaha Galmudug Iyo Puntland inay Gogol nabadeed ku xaliyaan Qaladaadka jira. Intaas kadib wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas.

Ku simaha madaxwaynaha ayaa sheegay in loo bahan yahay in loo turo maatada lagu kor dagaalamaya waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Dagaalada Galkacayo.

Maamulada galmudug iyo puntland waa maamulo diris ah waxaana ugu baaqaynaa in ay nabada ka shaqeeyaan sidaasi waa shirkiisa jaraa’id ku sheegay Madaxwaynaha ku xigeenka Hirshabeelle Cali guudlaawe.

Baaqaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee maamulka hirshabeele ay ujeediyaan Maamulada puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamaya Magaalada Galkacayo ee Gobalka Mudug.