Somali News

DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo Guddi Baaris u Magacaabay Dagaalkii Beledweyne

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Guddi baaris u xil saaray dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay xil ka qaadistii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Guddiga Madaxweynaha uu magacaabay, ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidamadda Asluubta Somaliyeed, sidoo kalena waxaa qayb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida ee Somaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan wixii shalay ka dhacay Degmadda Beladweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO:

 

Related posts

Dhagayso:- Cali Gaab” Muqdisho Dowladda iyo Al-Shabaab ma wada Joogi karaan”

Tifaftiraha K24

Dhageyso:-Macwiisleyda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan

admin

Xasan Cali Khayre Madaxweyne Farmaajo Anigu La Shaqayn Maayo Taabit Sheeko Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaaraha.

admin