Animation

Dhageyso: Madaxweyne farmaajo iyo ganacsatada soomaliyeed oo isku afgartay arin ay aad ugu farxeen shacabka soomaliyeed

no responses
Monday February 13, 2017 - 1:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa la kulmay rugta ganacsiga iyo milkiilayaasha shirkadaha waaweyn.

Kullanka oo ka dhacay xafiiskiisa ku meel gaarka ah ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin in abaarta si wada jir ah wax looga qabto iyo in ganacsatada ay shacabka u naxariistaan.

Wuxuu kullanka yimid xilli sarifka dollarka uu aad hoos ugu dhacay, ayadoo weli qiimaha badeecada uusan is bedelin.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoorre oo BBC la hadlaya ayaa sheegay in madaxweynaha uu masuuliyiinta uu la kulmay ka dalbaday in dadka loo dhimriyo maadama lagu jiro waqti adag.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan shacabka ay abaartu saameysay ee ku nool gobolada dalka soomalia.

Halkaan ka dhageyso codka