Dhageyso: Madaxweyne Axmed Madoobe oo eed ujeediyey Xukuumada Somaliya

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga, isagoo ugu baaqay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka ee dalku uu soo maray, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.