Somali News

Dhageyso: Maamulka Somaliland Oo Sheegtay In Ay U Diyaar Garoobeen

Wasiirka deegaanka maamulka Somaliland marwo Shukri Ismaaciil Baanddare ayaa ka hadashay roobabka dabaylaha iyo duufaanada wata ee la saadaaliyay in ay ku dhufanayaan deegaanada xeebta ah ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in maalmahaan ay la socdeen wararka sheegaya in ay jirto saadaalintaa ku aaddan Puntland ilaa Somaliland in ay ku dhufan karto duufaantaas hase’ahaatee ay muujiyeen diyaar garoow aad u balaran isla markaana ay feejignaan ku jiraan.

Wasiirka deegaanka maamulka Somaliland marwo Shukri Ismaaciil Baanddare ayaa sheegtay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo duufaan ay ku dhufato deegaanada Somaliland hase’ahate ay soo martay duufaantii Saqar aadna ay ula tacaaleen waxyeeladi ka dhalatay.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegtay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen in ay iska guuraan dhulka Xeebta ah ee saadaalinta laga bixiyay taas oo qeyb ka ah diyar garoowga Somaliland sida ay hadalka u dhigtay.

Related posts

Wasiir Saacado ” Ciidankii ka dagaalamay Gaalkacyo waxay ahaayeen kuwo lagu soo tababaray Muqdisho oo sita Astaantii Qaranka Soomaaliyeed”

admin

Sawirro:-Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Oo La Kulmay Bulshada Ku Nool Awdheegle.

admin

Kooxda Al-Shayaadiin oo Fatwo ka soo saartay hadalkii Siyaasi Cabdirraxmaan Cabdishakuur.

admin