Somali News

Dhageyso: Maamulka Gobolka Bari Oo Digniin U Diray Dad Ay Sheegeen In Ay Dhibaato Ku Hayaan.

Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo la hadlayay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolkaas ayaa ka hadlay xaladda magaalada Boosaaso ee dhinaca Siyaasadda iyo amniga.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in looga baahanyahay bulshada deegaanka iyo maamulka oo gacmaha is qabsadaa ay wax weyn ka tari doonto xaalada magaalada Boosaaso sidaas tarteedna lala shaqeeyo maamulka.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in dad laga soo diray meelo kale lehna dano gaar ah farimaha loo sii dhibayna fulinaya ay dhibaato ku hayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,waxaana wacad uu ku maray in gacan bir ah lagu qaban doono in kasta oo uusan sheegin dadkaas iyo halka laga soo diray.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu xiray Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqan oo eed u jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni lamasa oga in fariintaan ay yaga ku socoto.

 

Related posts

Hirshabeelle oo Xil uusan Raali ka aheyn u magacoowday 16-Jir Iskuul ka dhigta Dagmada Jowhar.

admin

Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii lagu tuuray mooshinkii Madaxweynaha

admin

DEG DEG Shacabka iyo Ciidamada Turkiga oo fashiliyay Cinqilqabki lala damacsana Madqxweyne Ordogan.

admin