Somali News

Dhageyso: Maamulka gobolka Banaadir oo war cusub kasoo saaray Qaraxii Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay Bar-Koontorool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya taas oo ku taala Isgoyska Sayidka ee magalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid lagu soo dhajiyey waxyaabaha qarxa balse uusan ahayn mid laga soo buuxiyey, hayeeshee ma uusan shaacin qofka watay gaarigaas.

Waxa uu sheegay afhayeenku in xiliga gaarigaasi uu qarxayey uu ku jiray safka baarista isla markaasna ay ku geeriyoodeen saddex qof lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaasi, iyaga oo sheegay inay khasaare ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sidoo kalena uu sababay bur bur hantiyadeed.

 

Related posts

Duqa Magaalada Muqdisho oo Digniin udiray Milkiilayaasha.

admin

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Manchester City Vs Bournemouth (Maxay Saxafadu Kulankan Ka Qortey???)

Tifaftiraha K24

Madaxweyne farmaajo oo dhiggiisa dalka kenya u diray dhambaal hambalyo ah

Tifaftiraha K24