Dhageyso:- Maamulka G/Banaadir Oo Bilaabay Qorshe lagu nadiifinayo Wadooyinka Roobku saameeyay

0

Kadib markii roobkii ka da’ay muqdisho uu saameeyey isu-socodka Wadooyinka caasimadda ayaa Waaxda gaadiidka ee Dowladda Hoose ee Xamar waxa ay bilaawday howllo nadaafadeed oo qashinka iyo carada loo qaadayo qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho.

Goobaha howlaha Nadaafadeed laga sameyey ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Almukarama,si loo soo celiyo bilicda Wadadaas,isla markaana u fududaato isu-socodka Gaadiidka io Dadweynaha  ayaa howladeena dowladda hoose ee Xamar waxa ay ku guuleysteen in ay Wadadaas ka qaadaan Qashinka iyo carada.

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo ayaa sheegay in uu jiro qorshayaal wax looga qabano arrimaha Nadaafada Gobolka Banaadir,isla markaana uu haatan kan ay ka wadaan Wadada Maka-Almukarama uu yahay mid bilaaw ah.

Waxa uu sheegay in istiraajiidiyad uu maamulka Gobolka Banaadir ka yeeshay sidii looga hortegi lahaa saameynta ka dhalan karta roobka,isla markaana Maamulka gobolka Banaadir ay diyaariyeen Gawaarida ka qeyb qaadanayo sidii looga hortegi lahaa saameynta ka dhalata Roobka.

Sikastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku howlan dib u dayactirka Wadooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho iyo nadiifinta Wadooyinkaas si aysan hakad u gelin isticmaalka dadweynaha .

Halkaan, Ka dhagayso: