Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Dhageyso: Maamulka Degmada Garasbaaley oo Gacanta kusoo dhigay Ragii Dilay.

Maamulka degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka warbixiyeen dil habeen kahor kooxo hubeysan ay degaankaasi ugu geysteen Haweeney Da’ aheyd.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen raggii dilay Haweeneyda oo ahaa laba nin.

Haweeneyda la dilay oo Da’ ahaan jirtay 65 sano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, waxaana ay horey uga tirsanaan jirtay Ciidanka xoogga dalka, inkastoo sanado kahor ay ka baxday.

Sidoo kale Wuxuu sheegay Guddooomiyaha degaanka Garasbaaley in aysan marnaba ugu dulqaadan doonin in falal amniga ka baxsan ay ka dhacaan degaanka, wuxuuna balan qaaday in ay sharciga horgeyn doonaan raggan ay gacanta ku hayaan.

Related posts

XOG: Ciidanka Itoobiya iyo Kuwa Jubba oo ku hungoobay in ay qabsadaan Buula Guduud, Kismaayane dib ugu laabtay

admin

War hada: AMISOM oo Madaafiic culus u qeybisay dadka ku nool xaafaddo ku yaala…..

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Somalilland oo mar kale la wareegtay degmadda Taleex oo shir uga socday maamulka Khaatumo

admin