Animation

Dhageyso: Ku dhawaad 50 ka tirsan xoogaga Alshabaab oo lagu dilay deegaano dhaca bariga gobolka….

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 4:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ku dhawaad 50 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda alshabaab ayaa la sheegay in lagu dilay howlgalo laga sameeyay gobolada galgaduud iyo hiiraan oo dhaca gobolada dhexe iyo bartamaha soomaliya.

Howlgaladaan ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen Degaanada Budbud, Moqokori iyo kuwo kale oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud waxaana la sheegay in lagu dilay 50 xoogaga shabaab ka tirsan.

Taliyaha Guutada xureynta Galgaduud-Bari Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa sheegay in ciidamada dawladdea ay ururka Al-Shabab ka dileen in ka badan 50 maleeshiyo.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyada ay ku dileen hawlgallo toddobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannadaas, oo qeybo badan oo ka mid ah ay joogaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha Howlgaladan in aysan dhicin hal waqti oo keliya balse ay dhaceen Bishii December 2016-kii ilaa Bishii Janaayo ee sandkan.

Tareedisho wuxuu qiray in uu jiro qasaaro dhankooda soo gaaray inkastoo uu xusay in qasaaraha dhankooda uusan badneyn.

Halkaan ka dhageyso wareysiga taliye tareedisho

Facebook Comments