Dhageyso: Kooxda Alshabaab oo Warka soo Saaray Dil ay ka geysteen.

0

Wararka nagasoo gaaraya degmada Hodan Ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay dil ka geysteen deegmada Hodan.

Dilkaan ayaa waxa fuliyey Dableey Gaari watay kuwaas oo rasaas ooda kaga qaaday Sargaal katirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cali Canshuur xilli uu kusugnaa Xaafada Barmuudo Ee Degmada Hodan.

Sargaalka la dilay waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha booliska Ee Ka shaqeenayey Degmada Hodan Ee Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Dilkaas iyagoo sheegay in ay Sargaalka ay dileen Bistoolad uu watay ay ka qaateen kooxdii dilka geystay.