Animation

Dhageyso: Inta la xaqiijiyay 6 ruux oo rayid ah ayaa waxyeelo ay kasoo gaartay qarax miino oo lagu xiray maqaayad ku taala dagmada…..

no responses
Friday April 21, 2017 - 4:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo rayid ah ay dhawacyo cuslus soo gaareen kadib qarax ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa in hore loogu sii duugay dhabarka maqaayada, waxaana uu dhacay xilli ay dad ku cunteynayeen maqaayadda.

Cali Maxamed Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee degmadaasi Qoryooley oo sheegay inuu goob joog u ahaa goobta qaraxa uu ka dhacayey ayaa sheegay inay qabteen ilaa iyo 7 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxan.

Sargaalkaan wuxuu intaas ku daray in miinada la dhigay dhabarka dambe ee maqaayada waxaana xiliga ay qarxeysa goobta ku sugnaay askar ciidamada dowladda ka tirsan inkastoo aysan waxba soo gaarin siduu sheegay sargaalkaan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga