Somali News

Dhageyso: Imaraadka Carabta oo La Sheegay in Ay Diidan Yihiin Qaranimadda Soomaliya.

Maalintii  shalay aheyd ayaa waxaa magaaladda boosaao ka furmey shirka iskaashiga maamul goboleedyada jubland iyo puntland waxaana shirkaasi looga  hadlay siyaasadda Amniga doorashooyinka iyo arimaha batroolka .

Shirkaan waxaa si wadajir ah u furey Madaxweynayaasha maamuladda Puntland iyo Jubbaland, oo haatan oo u muuqda kuwa sameynaya isbaheysi kasoo horjeeda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliya ayaa qaba in Dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgalinayso shirkaas,islamarkaana ay kasoo horjeedo danaha Soomaaliya.

Faarax Cayduruus oo kamid ah qaranka isbedeldoonka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dowlada imaaraadku had iyo jeer ay kasoo horjeedaan qaranimda somaaliya isagoo tibaaxey in imaaraadku somaliya ay ka leeyihiin ujeedooyin badan oo ay kamid yihiin in somaliya aysan la dooneyn dowlad madax banaan oo kheyraadkeeda soo saarata.

Ugu danbeyntii Waxaa uu sheegay in imaaraadku ay qarashaad badan ku bixiyeen sidoo loo burburinlahaa qaranimda Soomaaliya.

Related posts

Top News: Madaxweyne Cusub ee Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed oo Puntland ku yiri hadalkan!!!

admin

RW Sharmarke oo xil muhiim ah u magacabay …..

admin

Dhageyso: Gudiga arimaha gudaha barlamanka oo amray in Axmed madoobe la so xiro.

admin