Animation

DHAGEYSO : Idaacada Al-Shabaab oo soo bandhigtay codad ka raga fuliyey weerarkii Hotel Saxafi.

no responses
Sunday November 1, 2015 - 9:41 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa waxaa ay wareysi ka qaaday xilli ay socoto weerarkii maanta ee hotel Saxafi ee Muqdisho ragii weeraray .

Warbixin cod ah oo ay Idaacada sii deysay ayay kooxda Al-Shabaab ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin gumaadka shacabka iyo Madaxda ay lahayeen.

Ragan weerarka geystay oo la wareejinayo xilli ay xabaduhu ka dhex socdaan hotelka ayaa cadeeyey inay gacantooda ku dileen Ganacsade Abdirashid Ilqayte iyo Gen, Dhaga-badan oo horey uga saaray Al-Shabaab deegaano badan oo Muqdisho ka mid tahay.

Kooxdan Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay weerarada noocan oo kale ah, waxaana ka horeeyey Hotel Jazeera iyo Dayax oo la weeraray bil ka hor.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXNTA RADIO ANDULUS IYO KUWA WEERARKA FULIYEY

logokis2

Facebook Comments