Dhageyso: Hub lagu qabtay Caasimada Maamulka Goboleedka.

0

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa baaritaano dheeraad ah ku haya gaari lagu soo dhex qariyay hub oo shalay lagau qabtay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Gaariga oo ahaa nuuca xamuulka ayaa la sheegay in alaab uu siday la soo dhex galiyay hubkaasi.

Saraakiisha Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in weli ay baaritaan ku hayaan gaarigaasi, iyagoona gacanta lagu dhigay shaqsiyaadkii la socday.