Animation

Dhageyso: Hirshabeelle oo deegaanadeeda ka mamnuucday Tv-ga Universal kadib markii uu baahiyay war uu ka….

no responses
Friday May 5, 2017 - 4:04 under Somali News by Tifaftiraha K24

Maamulka hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay wariyaha taleefishinka universal ee magaalada jowhar Ismaaciil Cabdulle Sabriye.

Maamulka ayaa taleefishinka ku eedeeyay in war qaldan ay baahiyeen kaasi oo lagaga been abuurtay madaxweynaha maamulka hirshabeelle cali c/llahi cosoble.

Maamulka hirshabeelle ayaa sidoo kale deegaanadiisa ka mamnuucay in uu ka shaqeeyo taleefishinka universal ilaa uu ka hagaajinaayo qaladaadka ay ka galeen masuuliyiinta ugu sareysa maamulka.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada jowhar ayaa sheegay in universal ay jabisay xeerka saxaafadda iyadoona baahisay warar been abuur ah.

Wuxuu ku eedeyay taleefishinka universal in uu baahiyay war uu ku sheegaayo in madaxweynaha hirshabeelle uusan ka qeyb gali doonin shirka 11-ka bishaan ka furmaya magaalada london kaasi oo ah war been abuur ah madaxweynahana uusan warkaas dhihin.

Madaxweynaha Hirshabelle wuu ka qeybgalayaa shirka London mana jirto meel ku sheegay in uu shirkaasi ka qeybgaleyn.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta hirshabeelle.

Wasiirka wuxuu sheegay in ay la xiriireen maamulka taleefishinka universal ayna ka codsadeen in warkaas ay joojiyaan balse ay ka dhago adeegeen oo warka ay xalay ilaa maanta ay baahinayeen.