Animation

Dhageyso: Hey’adda UNHCR oo Si Cad u sheegtay in 70,000 oo kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab ay sheegeen in ay…..

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 12:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 70,000 oo kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Waa tiridii ugu badnayd ee la sheego in ay ku noqonayaan Soomaaliya xilli wali ay jiraan caqabado ay kamid yihiin in dadkaasi aanay haysan nolosha aas-aasiga ah marka ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Tan ayaa ka dhigan Afar Dalool meel ka mida 284,000 Qof, oo ku dhaqan Dhadhaab inay haatan ka go’an tahay dib u laabasho, sida ay hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan Qaxootiga xaqiijisay intii u dhaxaysay Bilaha July iyo August ee Sanadkan.

Duke Mwancha, oo ah Afhayeenka Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in 70,000 oo ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku jira, ay tirakoob ku sameeyeen, kuwaasoo lagu iqtiyaar geliyay inay si iskood ah ugu laabanayaan Dalkoodii Hooyo iyo in kale.

Warkan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa imaanaya, xilli ay maamul Goboleedyada Dalka qaarkood la daalaa dhacayaan, Qaxooti horay uga soo laabtay xeryahay Dhadhaab Kenya, kuwaasoo anay weli Beesha Caalamka u helin dib u dejin dhab ah iyo tasiilaadkii kale ee ay u baahnaayeen.

Hadaba Safiirka Soomaliya u Fadhiya Dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo Wareysi siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka waramay sida qaxootigaas loo so celinaayo iyo qorshaha ay dowlada u dajisay dadkaasi dalkooda kusoo Laabanaya.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga