Somali News

Dhageyso:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay mooshinkii xilka looga qaaday

Gudoomiyiihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay inuusan marnaba aqbaleyn sifadii xilka looga qaaday wuxuuna sheegay in dastuurka Puntland ay ku cadahay siyaabaha xilka looga qaadi karo.

Dhanka kale Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa masuuliyada weerarkii xalay lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland dusha ka saaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Baarlamanka Puntland ayaa hadda xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Dhoobo-daareed, waxaa ka qaaday 49 mudane, waxaa ka aamusay 4 mudane.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Puntalnd  ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland.

Related posts

AKHRISO:- Magacaabistii Golaha Wasiirada Galmudug Oo Dib Loo Dhigay.

Ahmed sudani

Dhagayso:- Wararkii Ugu dambeyeey ee Saaka Kismaayo iyo Shirkii Madaxda Maxaa Ka Cusub ?

Tifaftiraha K24

Dowladda soomalia oo boqortooyada sacuudiga kala hadashay dhoofinta xoolaha soomalia. (Sawirro)

Tifaftiraha K24