Dhageyso: Gudoomiye yariisow oo joojiyay dhismaha..

0

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel gaabta ee degmada Xamar jajab.
Eng. Yarisow ayaa hay’adaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.