Somali News

Dhageyso: Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Baadiyow Oo Beeniyey Eedeymo Loo Jeediyey

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn faah faahin ka bixiyey socdaal ay ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Baadiyow ayaa sheegay in kulamo wax ku ool ah ay la qaateen waxgradka deegaanada ay tageen, islamarkaana ay ka dhaadhiciyeen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb.

Dhanka kale wuxuu beeniyey eedeymo la xariira in uusan dhex dhexaad aheyn guddiga uu hoggaamiyo, isaga oo gaashaanka u daruuray wararkaasi.

Waxa uu meesha ka saaray in si gaar ah ay uga shaqeynayaan dana dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulka Galmudg.

Shirka dib u heshiisinta Galmudug ayaa la filayaa in shanta bisha soo socota uu ka furmo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduuda.

Related posts

DAAWO: Dhaqaatiir uga Soo duulay Qaarada yurub si ay udaaweeyaan

admin

XASAASI: Sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Somaliya oo is casilay

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxada Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

admin