Animation

Dhageyso: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amar Adag ka soo saaray Hal Arin oo Dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka Muqdisho..

no responses
Sunday October 2, 2016 - 8:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in la dib loo furo wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin sii xirnaashaha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in suura gal aaney aheyn in wadooyinkaasi ay sii xirnaadaan, waxaana uu amray in bulshada loo furo jidadka xiran si ay u isticmaalaan.

Dadka ay u xiran yihiin wadooyinka ayuu ugu baaqay in ay furaan wadooyinka , islamarkaana ay ka qaadaan dhagaxaad waa weyn ee ay soo dhoobeen.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in wadooyin muhiim u ah shacabka oo la xiro kaliyah aan lagu sugi karnin amaan balse loo baahanyahay in lala yimaado fikir ka duwan arintaasi,waxaana sidoo kale ugu baaqay Dadka ay u xiran yihiin wadooyinka in ay furaan wadooyinka , oo ay ka qaadaan dhagaxaad waa weyn ee ay soo dhoobeen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka