Animation

Dhageyso: Guddoomiyaha Dagmada Jalalaqsi oo ka bad baaday Isku day Lagu qaarijin lahaa Kadib Markii Dabley hubeysan ay…..

no responses
Thursday December 1, 2016 - 2:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaalyahano ka tirsan AL Shabaab ayaa jidka u galay gaadiid uu la socday Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, kaasi oo ka ambabaxay Degmada Jowhar kuna sii jeeday Jalalaqsi.

Ciidamada Shabaabka ayaa rasaas huwiyay gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, waxaana taasi ay keentay in Guddoomiyaha uu dhaawac soo gaaro.

Taliyaha ciidamada Millateriga Degmada Jalalaqsi Faarax Aadan Gaafow, ayaa Saxaafadda u sheegay inuu dhintay hal Askari oo ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo Guddoomiyaha uu ku jiro.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax Waxyeelo ah oo ka soo gaaray Weerarka Maanta lagu qaaday,waxaase uu sheegay in Hal Askari looga dilay Labo kalena looga dhaawacay Weerarka ay Al-shabaab u dhigeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha