Animation

Dhageyso: Golaha Abwaaniinta Soomaliyeed oo Baaq Culus u diray Maamulada Puntland iyo Galmudug

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 2:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Golaha Abwaaanada Soomaliyeed oo Maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Baaq wadajir ah waxa ay ka soo saareen Dagaalada kusoo laab laabtay Magaalada Galkacyo.

Golaha ayaa Dalbaday in Maamulada Galmudug iy Puntland ay joojiyaan dagaalka gogosha Nabadana la isugu yimaado si wada hadal dhab ah ay u galaan labada maamul.

Sidoo kale Golaha Abwaanada ayaa ku baaqay in Gurmad Deg Deg ah lala gaar dadka ka barakacay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Baaqaan ay jeediyeen Golaha Abwaanada Soomaliyeed ayaa waxa uu Imaanaya Iyadoo Mudo bil ku dhaw Magaalada Galkacyo ay ka dhacayaan Dagaalo u dhaxeeya Maamulada Galmudug iy Puntland waxaana Xusid mudan in Magaalada ay ka Barakaceen Dadkii ugu badnaay iyadoona ay dadkaasi xaalad Beni’aadanim ay ku heystato Banaanka Magaalada Galkacyo oo ay u xaqeen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Khudbadaha laga jeediyay Kulanka Golaha Abwaaniinta