Somali News Top News

Dhageyso: Galmudug oo madaxweyne farmaajo weydiisatay lacag 100-milyan ah kadib markii ay…..

Iyadoo saraakiisha nabad sugidda galmudug ay saakay shaaciyeen in ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la damacsanaay in lasoo galiyo magaalada cadaado ayaa waxaa arintaasi ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka galmudug ahna ku simaha madaxweynaha galmudug.

Cali gacal casir guddoomiyaha baarlamaanka galmudug oo saxaafadda kula hadlay magaalada cadaado ayaa waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada NISA ee galmudug iyo dadkii la shaqeeyay in laga hortago qaraxyo waaweyn oo shabaab ay damacsanaayeen in ay ka fuliyaan magaalooyinka galmudug.

Guddoomiyaha wuxuu tilmaamay in ay tahay arin ku dayasho mudan oo shacabka galmudug laga doonayo in ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo ka hortagidda qataraha galmudug la damacsanyihiin xaradakada alshabaab.

Ugu dambeyn guddoomiye cali gacal casir wuxuu ugu baaqay madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa ahaay in uu bixin doono 100-kun oo dollar cidii soo sheegtaa gaari qarax ah isagoona farmaajo weydiistay in lacagtaasi uu diyaaro si loogu abaal gudo dadkii soo sheegay qaraxaan ay galmudug qabatay.

” Qaraxaan qofkii soo sheegay waan heynaa waxaana ka dooneynaa madaxweyne farmaajo in uu diyaariyo lacagihii uu horay u balan qaaday si loogu abaal gudo dadka soo sheegay gaariga qaraxa laga soo buuxiyay”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka galmudug ahna ku simaha madaxweynaha.

Halkaan ka dhageyso codka gacal casir

Related posts

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Beesha Caalamka ay Prof. Jawaari u aqoonsatay Madaxweyne KMG..?

admin

TOP NEWS: Dowlada Mareykanka oo Liiska Argagaxisada ku dirtay Shiikh C/Qaadir Muumin oo ka…

Tifaftiraha K24

Wasiir Maareeye Maxuu ka Yiri 1-da Luulyo

admin