Animation

Dhageyso Fadeexadii ugu cusleyd: Masuuliyiin dowlada ka tirsan oo la ogaaday in ay qeyb ka ahaayeen heshiiskii Imaaraadka ee Berbera maxaase loo….

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 10:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hanti dhowraha qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay heshiiska ay soomaliland la gashay imaaraadka oo ku saabsan Saldhiga milatari ee imaaraadku ka dhisan rabo garoonka diyaaradaha magaaalada berbera.

Hanti dhowraha wuxuu kaloo shaaciyay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay wax ka ogaadeen heshiiskii ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta.

Inkasto hanti dhowraha uu ka gaabsaay in uu magac dhabo xubnaha Dowlada federaalka uga qeyb galay heshiiskaan imaaraadka loogu ogolaanaayo in saldhig milatari ay ka sameysato magaalada berbera.

Nuur faarax jimcaala ehanti dhowrka qaranka wuxuu cadeeyay in heshiiskaan uu yahay mid qalad ah islamarkaana la aqbali doonin in uu meel maro.

Xildhibaanada baarlamaanka soomaliland ayuu ku eedeyay in ay meel mariyeen heshiis waxba kama jiraan ah oo si qaldan loo galay.

Halkaan ka dhageyso codka