Somali News

Dhageyso:- Faah-faahin Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Maamulka gobolka Barri iyo taliska qeybta gobolkaas ayaa ka warbixiyay Shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo iyagoona dad weynaha ku wargaliyay in wadada ay go’antahay oo laxiray kadib shilkaas markuu ka dhacay.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Barri G/sarre Xuseen Cali Maxamuud oo kormeeray wadadaas uu shilka ka dhacay ayaa warbaahinta ooga warbixiyay shilka iyo khasaaraha ka dhashay oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho wuxuuna taliyaha sheegay in 1 qof uu ku dhintay shilka sidoo kalena 4 qof ay ku dhaawacmeen.

Shilka gaariga ayaa yimid kadib markii mid kamida gaadiidka uu ku sariiteeyay (Sabiibaxday) meel biyo mareen ah,wadada xiriirisa magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa marar badan waxaa ka dhaca shilal gaadiid iyadoona shilalkaas xilliga ugu badan ay dhacaan marka uu roob da’o.

Related posts

DHAGAYSO:- Madaxweynaha Putland Oo Sheegay in Maamulkiisu Isku Filanyahay.

Ahmed sudani

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee hirshabelle oo ku goodiyay in uu kusii shaqeyn doono beledweyne

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dagaalo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada Kenya oo garabsanay kuwa Mareykan ah oo shalay iyo Maanta ka dhacay Duleedka Kismaayo

Tifaftiraha K24